U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Howlgallo Ka Bilaabay Bariga Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo xoogan ka billaabay degaanka Burujeed oo hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib weerarkii qaraxyada ku billaawday oo shalay ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa isku fidiyay degaannada u dhow  Burujeed, sigaar ah degaannada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan ay uga jawaabayaan weerarkii ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay kla xorreyaan degaannada ay weerarada kasoo abaabulaan.

Waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socda ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay la wareegayaan degaannada iyo degmooyinka ku yaalla Bariga Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur, Galhareeri, Dac, Jacar,Bargaan iyo degaannada kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Burujeed ee Gobolka Galgaduudayaa sheegaya in Ciidamada ay weli Aagaasi howlgallada ka wadaan, iyaga oo doonaya inay degaano dhowr ah kala wareegaan Al-Shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Burjeed ee gobolka Galgaduud ayaa saraakiisha hoggaaminayso waxaa ay sheegeen in Al-shabaab lagu jabiyay wallow labada dhinac uu soo gaaray khasaare kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Goobjoog News