U bood dhigaalka

Galkacyo: Roobabka oo Sababay Burbur Hanti iyo Barakac

Roobab mahiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka da’yaya magaalada Galkacyo ee caasimad u ah gobolka Mudug ayaa sababay burbur hanti iyo barakac dadweyne.

Daadadka xooggan ayaa gudaha u galay xaafadaha degmada taasi oo keentay in ay burburaan hanti ay ku jiraan guryaha iyo goobo ganacsi, waxaa kale oo barakacay qaar ka mid ah shacabkii degmada.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in roobab xooggan oo laba maalmood ka da’ayay Gaalkacyo ay sababeen khasaare isugu jira burbur hantiyeed iyo bara-kac.

“Roobab Lixaad leh oo 2-daan maal-mood ka da’ayey Magaalada Gaalkacayo ayaa sababay khasaare isugu jira burbur hantiyeed, in dad badan ka barakacaan guryahoodi si gaara xaafadaha Garsoor, Horumar iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo”.

Isla qoraalka waxaa ku xusnaa in ay jiraan khataro noocyo kala duwan.

“Waxaa dumay oo isku furmay suuliyaashi taas oo ay ka dhalan karto khatar caafimaad, sidoo kale, waxaa xirmay isku socodkii magaaalada, Dad badanna ku go’doomiyey guryahoodi, goobihii adeegga Dadweynaha oo xiran, sida Iskuulada iyo xarumaha Caafimaadka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu baaqday hay’adaha Gargaarka degdega ah iyo dadka reer Puntland in ay is garab taagaan shacabka Gaalkacyo gaar ahaanna dhinacyada Caafimaadka iyo Biyo saarista Magaalada.