U bood dhigaalka

Xiisadda Xananbuure oo Lasoo Afjaray Kadib Markii Ciidamo La kala Dhex Dhigay Melooshiyo Beeleedkii

Sheeko:Amniga

Colaaddii ka jirtay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ayaa u muuqata mid lasoo afjaray kadib markii ay amnigu la wareegeen ciidamada dowlad goboleedka Gamudug.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyada oo deegaanka Xananbuure ay muddo isku horfadhiyeen maleeshiyaad beeleed kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamaree.

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa hadda si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka, iyaga oo ay  saareen saraakiisha ciidamadu awaamir amniga lagu adkeynayo oo ku socota maleeshiyaadka iyo bulshada halkaasi ku nool, waxaana ka mid ah in la mamnuucay hubka aan lagu kudhex qaadan karin cid aanan ciidamada rasmiga ah.

Deegaankan Xananbuure ayaa waxaa ragaadiyay codaado muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur dad tiro yar ayaa ku sugan,  waxaana ay odayaasha deegaanku soo dhaweeyeen talaabadda dowladdu ciidamada ku geysay halkaas, taas oo lagu baajinayay inuu dagaal ka dhaco.

Todobaadkan waxaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb lagu dilay labo ganacsade, arrintaasi oo kicisay aanooyinka u dhaxeeya beelaha deegaanka, una baahatay in maamulka uu wax ka qabto.