U bood dhigaalka

Degmada Baxdo oo Laga Xarig-jaray Garoon Diyaaradeed iyo Mas’uuliyiin Ka Qeygashay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan xubo ka tirsan labada gole ee Dowladda Federalka Soomaaliya  iyo Dowladda Galmudug ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Baxdo, kaasoo hadda kaddib ay bulshadu si toos ah u adeegsan doonto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gacanna ay kula dirirayaan Al-shabaab  gacanta kalana ay horumarka Galmudug uga shaqeynayaan, waxaana bulshada iyo ganacsatada degamada uu kaga mahadceliyay sida ay isugu howleen hirgelinta mashruucaan lagu dhisay garoonka diyaaradaha degmada ay yeelanayso.

Magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa qeyb ka aheyd goobihii ugu horeeyay ee laga bilaabay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dhismaha mashruucaan uu kusoo aadaayaa xilli dhowaan degmadu ay heshay aqoonsi buux oo degmo, iyadoo markii hore hoos tagi jirtay degmada Cadaado.

Baxdo ayaa dhowaan  waxaa sidaan oo kale looga fuliyay mashaariic hormarineed, oo ay kamid yihiin goobo waxbarasho iyo raxumo dowladeed, kuwaas oo lagu dhisay isku tashi dadweyne, waxaana ugu dambeeyay mashruucii garoonka diyaarada oo uu xarig jaray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Goobjoog News

Mawduucyada:Galmudug