U bood dhigaalka

Ganacsatada Qaadka Kenya oo Ka Cabanaya Suuqa Soomaaliya Hoos U Dhac Ku Yimid

Sheeko:War

Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu jiro hoos u dhac ku yimid iibka Soomaaliya la geeyo , kadib markii ay dowladda  Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba gudaha dalka, taas oo hoos u dhigtay Meeruuga.

Mid kamida ganacsatada qaadka oo la hadlay warbaahinta Nation ayaa sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka, gudaha Soomaaliya ay geyn jiyeen, kaas oo dib loo fasaxay, kadib markii heshiis isafgarad ah uu dhexmaray labada dowladood.

“Qorshahan laba toddobaad ka hor dowladda ayaan ku wargelinay, laakiin waxay u muuqataa in madaxda Kenya ay ka hortagi waayeen, Xaqiiqda ah in Itoobiya ay heshay maalmo ganacsi oo gaar ah oo uu si toos ah u riixay Ra’iisal Wasaarahooda, waxay muujinaysaa heerka faragelinta ee Kenya ay u baahantahay in ay muujiso. ” ayuu yiri Mr Muniuri.

Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay suuq u hesho maalmo qaadkeeda. Mr Munjuri ayaa sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax qaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho laga bilaabo habeenka Khamiista.

Qaadka Kenya ayaa suuq fiican ku yeeshay Soomalaiya tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo heshiis la galay dowladda Kenya oo isafgarad ahaa, waxaana markaas hoos u dhacay dalabkii kan Itoobiya.

Goobjoog News