U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Kenya oo Gaaray Heshiis Iskaashi ah oo la Xiriira Duulista iyo Hawada

Sheeko:Dalka
Wasiirka Duulista, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta heshiis la xiriira Hawada iyo Duulista kula saxiixatay magaalada Nairobi, dhiggeeda dalka Kenya Kipchumba Murkomen.
Heshiiskan ayaa bud dhig u noqonaya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya oo dowlada Soomaaliya ay siisay ruqsada shaqada in ay ka howl gali karaan dalka Kenya.
Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay wado Wasaaradda Duulista taas oo ku aadan in dhamaan diyaaradaha ka diiwaan gashan Soomaaliya ay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan Kenya.
Heshiiskan wuxuu sidoo kale xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal, heshiisyo hore dhinacyada ay hore u galeen iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socdka labada dowladood.
Goobjoog News
Mawduucyada:Gobollada