U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Ku Dhawaqay Waqtiga Doorashada Madaxtinimada Puntland

Sheeko:Dalka

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa u dabaaldegtay sanad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay 1-da August sanadkii 1998-kii, waxaana sanad guurada sanadkaan ay ku soo aaday xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay khilaafka doorashada, furiosta dastuurka iyo waxka-badelkiisa oo dhaliyay khilaaf xooggan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda 1-da August ayaa meesha ka saaray in xukuumadda uu hoggaamiyo ay doonayso muddo kororsi, xilli muddooyinkii dambe uu taagnaa xilaaf xooggan oo u dhaxeeyay madaxweynaha iyo xoogagga mucaaradka ee diidan sida loo wajahayo.

Madaxweynaha ayaa xusay in doorashada ay ku dhici doonto xilligii loogu talo galay, waxaana uu carabka ku dhuftay  in shacabka deegaannada Puntland ay soo dooran doonaan madaxdooda, taas oo lagu wado in ay dhacdo 8-da January  2024,tan sida uu ka sheegay xilli uu ka hadlayay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.

“Waxaan rabaa halkaan inaan ku bayaamiyo, dowladda an mas’uulka ka ahay, qaasatan golaha xukuumadda iyo anigaba, waxaan dadka reer Puntland u sheegayaa, oo cod dheer ugu sheegayaa, dowladdaan aan madaxda ka ahay waxaa ay rajeynaysaa ama diyaar u tahay  in doorashada xilligeeda ku qabato” ayuu yiri madaxweyne Dini.

Hadalka kasoo baxay madaxweyne Dini ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xooggan oo ku aadan dhanka doorashada uu u dhaxeeyo madaxweynaha iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka, taas oo ka dhalatay kadib ansixintii golaha Wakiillada Puntland ay meel mariyeen furista iyo waxkabadelka dastuurka Puntland oo khilaaf uu ka dhashay.

Goobjoog News