U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Koox dabley ah ayaa magaalo xeebeedka Boosaaso kudilay ganacsade ka soojeeda Koonfuf Galbeed Soomaaliya oo lagu magacaabo Ibraahim C/raxmaan Cabdi.

Ibraahim ayey wararku sheegayaan in la dilay isaga oo kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaadda Subax.

Ganacsadahan oo sidoo kale madax u ahaa bulshada deegaankaasi ee ka soojeeda Koonfuf galbeed ayaa la ogeyn sababta dilkiisa xilli ay magaalada kusoo bateen dilalka qorsheysan.

Maalmo kahor ayaa sidoo kale Boosaaso lagu dilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa nin dhallinyaro ah oo isku xire u ahaa bulshada kasoo jeeda degaanada Soomaali Galbeed kadib markii nin bustoolad ku hubeysan oo u dhex dilay gurigiisa isla maraakan uu dhaawacay wiilkiisa.

Dilalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Boosaso ay horey uga dhacayeen falal la xiriira beegsiga xarumaha ganacsiga, waxaana sidoo kale jirtain goobo ganacsi si gaar ah loo beegsaday sida ay wararku sheegayaan.


Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa habeen ka hor ka sheegay, ammaanka Puntland inuu joogo meeshii ugu fiicnayd xilligan, taas oo ka hor imaanaya falalka amni darri ee ka dhacay Boosaaso.