U bood dhigaalka

8 Janaayo 2024 Xaalka Siyaasadeed ee Maamulka Puntland Sidee u Ekaan?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland ee muddo xileedkiisa Dastuuriga ah uu ku egyahay 08 Jan 2024 ayaa hadal jeedin ka sameeyay xaalka Puntland.xilli ay taagan tahay ismarin waa siyaasadeed oo ka dhashay arrimaha doorashada.

Deni oo muddo ka badan 2 bil ka maqnaa Puntland ayaan soo hadal qaadin Qaaliga maciishada, sicir bararka, Amni darada Boosaaso iyo colaadaha iyo aanooyinka Beelaha gobalka Mudug ee u danbeeyay dilkii Dr Sakariye.

Waxaa uu ku dhawaaqay in Puntland ay Golaha wakiilada iyo madaxtooyada lagu soo dooranayo qof iyo cod xilli aan Nugaal laga samayn wali midii golayaasha deegaanka.

Hogaamiyayaasha Mucaaradka ayaa markiiba kulan isugu yimid Garowe iyaga oo ka arrinsaday jawaabta ay ka bixinayaan hadal jeedinta Deni oo lagu tilmaamay” qof waligiis aan xil-wareejin samayn doonin”.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Deni ayaa ka jawaabay shirkii jaraa’id ee uu qabtay madaxweynaha Puntland.

Xasan Shire Abgaal ayaa hadalka Saciid Deni ku tilmaamay nin iska hadlay, xilli mucaaradka ay diidan yihiin hanaanka doorasho ee uu ku dhawaaqay Deni, kaasi oo ay sheegeen in uu ku ladhan yahay qorshe muddo kororsi ama xukun maroorsi.

Kala aragti-duwanaashada siyaasadeed ee Puntland ayaa lagu soo koobi karaa: Wax ka bedelka dastuurka ee ay ansixiyeen baarlamaanka ka dib cadaadis kaga yimid madaxweyne Deni, iska horimaadyada soo noqnoqda, muddo kordhin, iyo xaddidaadda joogtada ah ee la kulmaan mucaaradka.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Boosaaso ayaa soo badhigtay cabsi hor leh ay hore u qabeen garabka mucaaradka, waxayna sidoo kale sawir guud ka bixisay doorashada uu doonayo Deni inuu qabto, sida ay sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta, ku adkaysiga go’aanada qaldan, iyo burburinta guulaha siyaasadeed ay Puntland ku tilaabsatay ayaa ah qodobada ugu cad cad ee ay siyaasiyiintu ku dhaleeceynayaan madaxweynaha hadda talada haya.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale doonaya in ay Puntland ka soo saaraan xayndaabkii qalalaasaha ahaa oo ay ku soo dabaalaan xassilooni siyaasadeed iyo mid bulsho, maadaama ay aaminsan yihiin in siyaasadda Deni ay kala qeybsanaan ka dhax abuurtay shacabka Puntland.

Dadweynaha Puntland ayaa ka war sugaya Golaha Wakiilada Puntland oo looga bartay in 25 Oct ay soo saaraan lifaaqa Doorashada.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo maalmo kahor shir ku qabsaday Garoowe ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa bayaan ay shirkaas kasoo saareen isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.
Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.

Haddaba, iyadoo dadka indha-indheeyaya arrimaha siyaasadda ay sugayaan waxa dhici doona kadib 8-da January ayaa su’aasha ugu badan ay dadka isweydiinayaan waxay tahay: Waa maxay tillaabooyinka mustaqbalka ay qaadi doonaan mucaaradka? Laba madaxweyne ma laga dooran doona Puntland 8-da January?

Goobjoog News