U bood dhigaalka

Isimada Puntland oo Shir Uga Furmay Garowe

Sheeko:Dalka

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaa maalintii labaad ka socda shirka isimada iyo dhaqanka, waxaana shirkaan looga hadlayaa sidii loo xalin lahaa arrimaha khilaafka ee ka taagan ismariwaaga doorashadda ee Madaxweyne Deni iyo xubnaha mucaaradka oo gacan kahadal gaaray.

Isimada, oo saldhig u ahaa habka lagu dhisay Maamulka Puntland muddooyinkii dambena ahaa kuwa dib loogu laabto marka uu yimaado khilaafka noocaan oo kale ah, ayaa markaan ka digaya in waqtigeeda laga dib dhigo doorashada, xilli Madaxweyne Deni uu markale ku celiyay in doorasho qof iyo cod ah la aadayo.

Go’aankii dhowaan kasoo baxay Golaha Wakiillada Puntland ee wax ka-beddelka iyo furitaanka Dastuurka ayaa sababay gacan ka hadal u dhaxeeyay ciidamo taabacsanaa Xukuumadda Deni iyo mucaaradka, waxaana weli aan lagu guuleysan doorashadda golaha deegaanka magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo safar uga soo laabtay dibadda ayaa khudbad uu jeediyay uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, wuxuuna sheegay in doorashadda Golaha Wakiillada maamulka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka ay dhici doonaan muddadii loo asteeyay in la qabto. Waxaa uuna meesha ka saaray inuu doonayo in muddo kororsi uu sameysto, isagoo u mahad celiyay Golaha Wakiilada iyo Guddiga Doorashadda, carabkana ku dhuftay in la diyaariyay shuruucdii lagu hagi lahaa doorasho qof iyo cod ah in ay ka dhacdo Puntland markii ugu horeysay tan iyo 1998-dii.

Kulanka Isimada ayaa la filayaa inuu wax badan ka badeli karo ismari-waaga u dhaxeeya labada dhinac iyadoo ay macquul tahay in dhaqanku ay ku guuleystaan in waanwaan laga dhex abuuro labada dhinac, taas oo keeni karta in doorasho wadar ogol ah laga qabto Puntland oo ku dhisan nidaan la isla ogyahay.

Kulanka Isimada Puntland ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeysay magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ay ka dhacayeen kulamo gaargaar ah, kuwaas, kuwaas oo looga arrinsanayay doorashadda soo aadan ee wali aan laga gaarin heshiis loo dhan yahay oo Xukuumadda iyo mucaaradka isla ogol yihiin.

Mawduucyada:Puntland