U bood dhigaalka

Saddex Qof oo u Geeriyootay Roob Ka Da’ay Galkacyo

Sida lagu shaaciyay warbixintii ugu dambeysay ee maamulka Galkacyo Ilaa saddex qof ayaa u geeriyooday roob mahiigaan ah oo ka da’ay Galkacyo

Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade) oo ah guddoomiyaha Galkacyo ee Puntand ayaa xaqiijiyay inay saddex qof oo shacab ahi ay ku geeriyoodeen roobkii cuslaa ee habeen hore ka da’ay magaalada Gaalkacyo, isaga oo sidoo kale xusay in boqolaal qoys oo shacab ah ay ku barakaceen, halka kuwa kalena ay guryahooda ku dhexe go’doonsan yihiin weli.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay dhici karto in dhimashadu intaas kasii kororto , islamarkaana ay socdaan baaritaano lagu baadi goobayo dad lagu weli lagu la’ yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in dad gaaray ilaa 10 ruux la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad ku rogmaday dhowr magaalo oo dalka ah, Gaalkacyo iyo magaalooyin la daris ah ayaa waxaa dulfadhiya biyo badan oo haddii roob kale yimaado daadad ku rogi kara magaalooyin dhowr ah.

Mawduucyada:Puntland