Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly”, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya, Charles King.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, hirgelinta waajibaadka AUSSOM iyo taageerada dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta isku-duwidda arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac, ilaalinta dadka rayidka ah, taageerada howlaha bani’aadannimo iyo sidii loo sii adkeyn lahaa guulaha amni ee Soomaaliya laga gaaray.
Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo Safiirka UK ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika iyo Dowladda UK, si loo taageero dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.