U bood dhigaalka

Maxaa ka Jira Maleeshiyaad in Taageersan Laftagareen ay la wareegeen degmada Buurhakaba ?

Oktoobar 15, 2026

Wararka ka imanaya magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in maleeshiyaad  taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay la wareegeen magaaladaas istiraatiijiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadku ay gudaha u galeen Buurhakaba, hase yeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed weli si rasmi ah uma xaqiijin wararka ku saabsan qabsashada magaalada.

Dhinaca kale, maamulka hore ee Laftagareen ayaa la sheegay inuu sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen Buurhakaba, Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka taabacsan madaxweynihii hore ay gudaha u galeen magaalada, ka dib dagaal ay la galeen ciidanka DFS iyo Daraawiishta KGS.

Ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hore loogu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, eedeymahaas oo ay iska fogeeyeen dhinaca Laftagareen.

Ciidamadan ayaa toddobaadyadii u dambeeyay weerarro isdaba joog ah ka fuliyay magaalooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Bay, oo ay ku jirto degmada Qansaxdheere.

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii xoogaysanaysa, iyadoo dhinacyada isku haya awoodda maamulka ay is-weydaarsanayaan eedeymo la xiriira xaaladda ka jirta deegaannada gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, oo uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda Buurhakaba iyo wararka sheegaya in magaalada la qabsaday.