U bood dhigaalka

Maxay ka dhigantahay in Dawladda Kenya ay Dalkeeda ku Martigeliso Laftageen oo Qalalaaso Gudaha Soomaaliya ?

Oktoobar 17, 2026

madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo xubno ka tirsanaa maamulkiisii hore ayaa ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo la sheegay inay kulammo iyo wadatashiyo siyaasadeed ka wadaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli uu laftageen oo uu guluf dagaal xooggan ka wado deegaannada Koonfur Galbeed, islamarkaana uu halis ku yahay xasilloonida deegaannadaas.

Dhanka kale, waxaa jira eedeymo loo jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii iyo ciidamadii maamulka Laftagareen, kuwaas oo la xiriira inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu eedeeyay inay xog iyo agab ciidan gaarsiiyeen kooxdaas.

Eedeymahan waxaa ka mid ah warar sheegaya in xog la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la gaarsiiyay Al-Shabaab, hase yeeshee eedeymahan waxay u baahan yihiin caddeymo madax-bannaan iyo xaqiijin rasmi ah.

Joogitaanka Laftagareen iyo xubnaha maamulkiisii hore ee Nairobi ayaa sidoo kale dhalinaya su’aalo ku saabsan doorka dowladda Kenya ee xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Haddii la xaqiijiyo in dowladda Kenya ay si rasmi kaalin ugu leedahay dagaalka Koonfur Galbeed ama  martigelinayso laftagareen,arrintaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Su’aasha taagan ayaa ah waxa ay ka dhigan tahay joogitaanka Laftagareen iyo xubnaha maamulkiisii hore ee Nairobi, iyo sida ay arrintani uga jawaabi doono DFS.

Kenya ayaa horay ugu lugleelatay faragelinno badan oo ay ka sameysay gudaha soomaaliya, gaar ahaan Jubbland, martigelinta Laftagareen oo qalalaase ka wada koonfur Galbeed waxay noqanaysaa xad-gudub kale oo ka dhan ah Amniga iyo madax-bannaanida Soomaaliya.