U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Sheegay In Marnaba Aysan Ka Qeybgalin Shirka Wadatashiga Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan ka qeybgalin shirka wada tashiga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka.

Afhayeenka maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo goor dhaw la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in shirkaasi aysan ka maamul ahaan toos uga qeybgalin marka laga reebo furitaanka shirkaasi oo madaxweynahooda hadal ka jeediyay.

“Aniga ayaan kuu xaqiijinaaya, madaxweynaha Puntland ayaa ka qeybgalay Furitaanka shirkaan oo kaliya, laakiin kama qeybgalin shirka shirka wadatashiga, kumana mashquuleyno in shirkaan uu socdo ama baaqdo, kaliya waxaan ku mashquulsannahay in wax la saxo, dowladda Puntland banaanka ayeey shirka ka taagan tahay, waxaana taagannahay in shirkaasi aan fariisan, mana fariisan doonno, illaa waxa sharciga ah ee qaldan la saxo, hadii uu shirka socdo waxaa laga yaabaa dad kale inuu u socdo, laakiinse ma ahan midka aan u nimid”

“Doodda ugu weyn waxa weeye, aragtida ama wax la qorayo waa in Laba qodob laga fiiriyaa, qodobka Koowaad waa in dadka gaaraya go’aanka sharciyad leeyihiin, waa inuusan ahayn qof la’iska magacaabay, la dhoob dhoobay iyo qof la buun buuniyay, waana inuu yahay qof sharciyad kusoo galay, qodobka Labaad in waxaan la wada leeyahay oo ay yihiin masiirkii Soomaaliya oo loo socdo 2016-ka August doorasho dhacdo oo Shan Sano umadda Soomaaliyeed harsan doonto, noqonna qof wax u gaar ah, ama aragti gaar ah, annaga Labada qodob ee aan ka duuleyno waxna ku saxaynu una fadhinno waa kuwaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo maamulada Puntaland ay ka mid tahay laga doonayo inay saxaan qaladaadka jira, beesha caalamkana laga doonayo in ay marqaati ka noqdaan waxa meesha ka socda.

Dowladda Federaalka ayuu tilmaamay in aysan soo bandhigin arrin lagu wada qanci karo, balse bedalkeeda ay soo bandhigeen qaab uu sheegay in ay madaxda dowladda rabaan.

“Masoo bandhigin sida lagu wada qanci karo, waxay soo bandhigeen qaabka ay iyaga waxa u rabaan, sida ay wax u rabaanna waa qaabka aan innagu diidnay, waa qaabkii aan dhahnay sharciyadda mariya, markii aad marisaanna waa mid laga wada doodayo, annaga waxaan rabno waa in Dastuurka la ilaaliyo, maamulada jira ay noqdaan kuwo waafaqsan Dastuurka”

Maamulka Puntland ayaa shalay isaga baxay shirka wadatashiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo aayaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashada dhacaysa 2016-ka.

Goobjoog News