U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif: Sharciyaddii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Waxay U Wareegtay Golaha Madasha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Sharicyaddii baarlamaanka aan laga sugeyn oo ay aadan Golaha madasha Qaranka.

Xildhibaanka Shariif oo fikirkiisa gaarka ah ka waramaya ayaa qiray inaan baarlamaanku waxba diidin laakiin aan lagu simin go’aankii uu gaari lahaa:

“Baarlamaanku iskuma soo noqon Dekreetadii ka dib la isma arkin, inaan ra’yigeyga sheega mooyaane wax aan baarlamaan ahaan u matalo maaha, baarlamaanku waxba ma diidin laakiin laguma simin, arrinta ah baarlamaankii go’aanbuu gaari waayay arrin meesha qabata maahan, baarlamaanku go’aan inuu gaaro diyaar ayuu u ahaa, go’aanka uu gaari lahaa muxuu noqon lahaa waaa arrin kale”.

Waxa uu si cad u sheegay inaan tallaabadii madaxweynuhu uu Dekreetada kusoo saaray aaney sharciga waafaqsaneyn:

“Tallaabada uu madaxweynuhu qaaday sharci kuma salaysneyn ee go’aan uu gaaray weeye, hadda waxaan fileynaa in arrintaas doorashooyinka loo wareejiyay madasha oo haddana waxbadan oo baarlamaanku uu ka hadli karaa aaney jirin, ma filaayo in hadda arrinkaa dib loogu noqonaayo, ceebteeda iyo amaanteeda laanta fulinta iyo xafiiska Madaxweynaha iyo dowlad goboleedyada madaxdoodii oo la isku yiraahdo madasha ayaa qaadanaya taas iney saas u dhacday ayaan u arkayaa”.

Waxa uu xildhibaan Shariif  mas’uuliyadda go’aanka halka dhinac ee madaxweynaha dusha ka saaray golaha madasha iyo beesha caalamka oo garab taagan:

“Madaxda iyo inta la shaqeysa iyo beesha caalamka ee ku xeeran arrin bay isku ogaayeen waxaa laga hortagay iyadoo la sahmiyay inuu baarlamaanku arrintaan meel kale marinayo ayay ka gaarsiiyeen intii gadaal ay ka diidi lahaayeen ayay ka hor mareen, waxaan u maleynayaa duuduub ahaan wax alaaliyo wixii ay madashu horey u tiri iyo waxa ay hadda dhahaysaba, sharciyaddii baarlamaanka lagama raadinayo, ee meeshaas ayay aadday, si kastaba ha ku aaddee”.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 22 May soo saaray Dekreeto madaxweyne oo lagu meel marinayo go’aankii doorashda 2016 ee kasoo baxay golaha madasha wadatashiga Qaranka.

Goobjoog News