U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdi Cali oo Ka Hadlay Farqiga u Dheexeeya Doorashadii 2012 iyo Tan Hadda 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo weysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya doorashadii 2012 iyo tan hadda la filayo ee 2016.

Xildhibaanka oo wasiiro dowlihii amniga ka ahaa xukuumaddii ugu dambeysay ee Ra’isul wasaare Cabdiwali Gaas, taas oo qaban qaabisay doorashii 2012, ayaa ka warramay farqiga u dhexeeya doorashadii 2012 iyo tan hadda, waxaanuu yiri;

“Haddaan wax yar ka taabto farqiga u dhexeeya waxa uu noqonayaa 2012 kii qaabka doorashadu waxay ahayd xul, waxaa jiray 135 oday oo Soomaaliya oo dhan laga soo xulay, nabadoonno ayaa ku lamaansanaa, 135-kaa ayaa awood loo siiyay in oday walba oo ka tirsan uu dhowr xildhibaan isagu saxiixooda yeesho, kadib marka uu la soo tashado beelahaas jilibyada ay ka kooban yihiin, waxaa kaloo jiray guddi la yiraahdo TFC oo ahaa guddiga la socodka iyo ilaalinta iyo turxaan bixinta xubnaha xildhibaanada la soo qoray oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amnigo ay shaqo ku lahayd kadibna ay la haayeen saxiixa ugu dambeeya oo qofkaa la siinayo warqadda ah inuu xildhibaan yahay, waxaa kale oo jira guddi khilaafaad oo haddii khilaafyo yimaadaan xalinaaya”.

Xildhibaan Cabdi Cali oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu ka hadlay doorashada hadda waxyaabaha ay la goonida tahay oo ay kaga duwan tahay tii hore:

“Hadda waa ka duwan tahay xuliddii waa iska xulid laakiin waxaa loo bixiyay doorasho dadban, laakiin caalamka doorasho laguma tilmami karo wali sida ay hadda wax yihiin wali waa xulid laakiin tiradii ayaa laga badiyay 135 ahayd, hadda isagoo la tashanaya beelihii xildhibaankaa lahaa ayuu wuxuu soo xuli doonaa 51 ergo ah illaa iyo hadda sida ku qoran heshiiskii ugu dambeeyay ee madasha, 51 ayaa waxay u heli doonaan fursad iney cod ku kala saaraan musharixiinta u tartameysa aqalka hoose ee baarlamaanka”.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ka duwanaashiyaha kale uu jiro ee labada doorasho, waxa uu soo qaatay  doorashadan aqal sare oo ku jira baalramanaka Cusub, qaabka abaabulka musharixiintana wey ku kala duwanaan doonaan , ayuu yiri, iyadoo oo xisbiyo ay si weyn hadda u hardamayaan, doorashadan waxaa u dhacaysaa si hab federaal ah oo wey ka baaxad weyn tii 2012. Doorashadan hadda  waxaa ka muuqda ,ayuu xildhibaanku yiri, maamul daadajin la sameeyay.

Doorashada sanadkan dabayaaqadiisa la filayo iney ka dhacdo dalka ayaa ah mid aad u adag marka loo eego kuwii hore ee dalka soomara burburkii ka dib.

Goobjoog News