U bood dhigaalka

Dab khasaare dhaliyay oo ka kacay Suuqa Ganacsiga degmada Qoryooleey

Sheeko:War

Maamulka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe rag hubeysan oo maamulka Degmada uu sheegay inay ka tirsan yihiin xarakada Al-Shabaab ay dab ku qabteen suuqa, kadibna uu sidaasi ku gubtay.

Maxamed Xaaji Cismaan oo ah Guddoomiyaha Maamulka Dagmada Qoryooleey ayaa Goobjoog FM u sheegay saakay in Guud ahaan Suuqu uu Gubtay oo qasaare badan uu ka dhashay halkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka gubay suuqa ay u xaqijiyeen maamulka degmada ilaalo ka mid ahayd ilaalada suuqa ganacsiga. Waxa uu sidoo kale sheegay in ragaas inta aysan gubin suuqa ay ku qabteen baasiin.

Ma jirto dad wax ku noqday dabka xalay la qabad siiyay suuqii ganacsiga Qoryooleey.Ujeedka loo gubay suuqa ayuu ku sheegay masuulkan mid aysan fahmi karin oo lagu xumeynayo dowladda federaalka Soomaaliya.