U bood dhigaalka

Akhriso: Ajandaha ay Ka Wadahadleen Wasiirka Maaliyadda iyo Ergayga Qaramada Midoobay

Sheeko:War

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan cige ayaa kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo uu wehliyo ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay, ahna Iskuduwaha Gargaarka Beni’aadannimo George Conway.

Kulanka oo Muqdisho ka dhacay ayaa looga hadlay guulihii maaliyadeed ee Soomaaliya ay dhowaan gaartay, oo ay ku jirto dakhli kordhinta, iyada oo loo marayo hannaanka dhijitaalka ah, waxaana lagu ammaanay dowladda Soomalaiya sida ay hagaajisay hannaanka dib u habeynta maaliyadda iyo dalka.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya ayaa dib u xaqiijisay taageerada xooggan ee Qaramada Midoobay ee ajendaha dib-u-habeeynta dhaqaalaha, waxaana uu guul ku tilmamay halka laga joogo hadda iyo waddadii lasoo maray, xilli Soomaaliya laga cafiyay Billions Dollar oo dunida looga lahaa.