Qoyska Suldaan Galad Aadan Cismaan ayaa ka hadlay xarigga Suldaanka oo ay sheegeen in shalay laga xiray degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in la dhowro xuquuqdiisa, lana caddeeyo sababta rasmiga ah ee loo xiray.
Qoyska Suldaanka ayaa sheegay in xariggiisa uu la xiriiri karo loollanka siyaasadeed ee ka socda maamulka Hirshabeelle, iyagoo farta ku fiiqay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Cismaan Daalo, oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo xarigga Suldaanka.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in la caddeeyo xaaladda Suldaanka, lana xaqiijiyo in la dhowrayo xuquuqdiisa sharciga ah.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda oo faahfaahinaya sababta xarigga Suldaan Galad Aadan Cismaan ama xaaladdiisa.