U bood dhigaalka

Su’aalo ka dhashay sii-daynta markabka MTT-SIBU 1 iyo sheegashada koox Ciraaqiyiin ah

Sebteembar 27, 2026

Warar cusub ayaa su’aalo ka keenay cidda hoggaamisay howlgalkii lagu sii daayay markabka ganacsi ee MTT-SIBU 1, kaas oo la sheegay in burcad-badeed Soomaali ah ay ku qabsadeen xeebaha gobolka Mudug.

Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen markabka iyo kooxdii burcad-badeedda ee haysatay, balse warbaahin Carabta ayaa markii dambe baahisay sheegasho ah in koox rag ah oo ka tirsan qabiil Ciraaqi ah ay door ku lahaayeen hawlgalka lagu sii daayay markabka.

Ilo dhinaca amniga badda ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaale si madax-bannaan ugu shaqeynayay shirkadda leh markabka ay ka qeyb qaateen howlgalka, iyagoo garab siinayay ciidamada badda Puntland.

Sawirro iyo muuqaallo ay faafiyeen ilo Ciraaqi ah ayaa u muuqda inay muujinayaan markabka SIBU 1, burcad-badeedda la qabtay iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya oo goobta ku sugan.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan cidda si dhab ah u hoggaamisay howlgalka iyo kaalinta ay kala qaateen ciidamada Puntland iyo shaqaalaha dhinaca markabka.

Maamulka Puntland ayaa Axaddii kooxdii burcad-badeedda ahayd geeyay dekedda Garacad ee gobolka Mudug, waxaana sidoo kale dekedda la geeyay hub laga qabtay burcad-badeedda, dad dhaawacmay iyo meydadka dad ku dhintay iska horimaadkii dhacay intii uu socday howlgalka.

Ilaa hadda ma cadda aqoonsiga dadka Ciraaqiyiinta ah ee lagu sheegay inay ka qeyb qaateen hawlgalka iyo nooca saxda ah ee doorkooda, Sidoo kalena, faahfaahin buuxda lagama bixin sida ay ciidamada Puntland iyo shaqaalaha shirkadda markabka u wada shaqeeyeen.