U bood dhigaalka

Abaarta Ka Jirta Gobolka Mudug Oo Kasii Dartay

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan iney aad uga sii dartay xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanno kamid ah gobolkaasi.

Deegaanka Xero Dhagxley ee gobolka Mudug ayaa lasoo sheegayaa in abaarta darteed ay halkaasi dad iyo duunyo ugu dhinteen.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dadka halkaasi ku dhaqan aaney haysan biyo iyo baadna midna una baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Maxamed Cali, waxa uu kamid yahay dadka ku dhaqan deegaanka Xero Dhagaxley ee gobolka Mudug, waxa uu u sheegay Goobjoog News in dhulka baadiyaha ay dad badan ku dhinteen, balse tirada dadka dhintay ma aanu inoo sheegin.

Waxa uu sheegay in haddii bishan gudaheeda aan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaasi lala gaarin biyo iyo raashiin ay halis ugu jiraan in iyaguna ay dhammaadaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Deegaanka waxaa ka taagan abaar ba’an, dad ayaa baadiyaha ku dhintey, inta kale ee hartayna haddii aan laga soo gaarin waa ay ku dabajiraan, Labo sano iyo wax ka badan halkaan roob kama dai’n, ceel maleh, biyo dhaamis yar yar ayaa laga sameeyey meelihii ugu darnaa, laakiinse annaga wax deeq ah oo nasoo gaarey maleh Galmudug ama dowladda federaalka ha ahaatee, hadii aan roob helin ama nala soo gaarin dadka iyo duunyada hartay harraad bay u dhimanayaan” ayuu yiri Maxamed Cali.

Dalka oo dhan waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, meelaha qaarna dadku ma aaney helin gurmad ku filan.

Goobjoog News