U bood dhigaalka

Carruur Cudurka Jadeecada Ugu Geeriyootay Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Caafimaadka

Saddex carruur ah ayaa cudurka jadeecada ugu geeriyootay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ay intaasi la il daran yihiin carruur kale oo intaasi ka badan.

Hindiyo Cismaan, waa hooyo dhashay 5 carruur ah, mid kamid ah carruurteeda waxa uu u geeriyoodey cudurka Jadeecada, halka 2 kalena ay cudurkaasi la il daran yihiin.

Waxay sheegtay Hindiyo in aysan jirin dawooyin ay siiyaan carruurta, balse ay ugu qabeeyaan qaar kamid ah caleenta geedaha.

“Canug ayaa iiga dhintay cudurkaan, Afar kalena wey iga xanuunsan yihiin, kuwo kale oo deegaanka ku dhintay waa ay jiraan, ma jirto dawo aan siinno caruurta waayo qarashkaasi ma hayno, geed Mareer ayaan caleentiisa ugu qabeynaa” ayeey tiri Hindiyo.

Ugu dambeyn Hindiyo ayaa ugu baaqday dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay lasoo gaaraan gurmad caafimaad ah si loo badbaadiyo dadka kale ee qaba cudurkaan.

Deegaanka Cumar beere ayaa qiyaas ahaan 10-KM dhanka galbeed wuxuu kaga beegan yahay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News