U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Cafis u Fidiyey 119 Maxbuus

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wei Maxamed Cali Gaas ayaa cafis u fidiyey 119 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Puntland, si ay ula ciidaan ehladooda.

Maxaabiista cafiska loo fidiyey ayaa ahaa kuwo galay dambiyada fudud sidoo kalena qaarkood uu waqti kooban uga harsanaa mudada ay xabsiyada kusii jiri lahaayeen.

Gaas ayaa dhowaan guddi u saaray in ay kasoo talo bixiyaan maxaabiista cafiska lagu sii deyn karo, kuwaasi oo booqasho ku tagay xabsiyada Puntland.

Xabsiyada Puntland waxaa ku jira maxaabiis loo haysto iney galeen dambiyo kala duwan, iyadoo sanadkii hore sidan oo  kale xabsiyada Puntland looga cafiyey maxaabiis.

Waxaa xilligaan gabogabo mareysa bisha barakeysan ee Ramadan, waxaa inagu soo fool leh munaasabadda ciidul fidriga, iyadoo munaasabadahan looga faa’ideynayo maxaabiista gala dambiyada fudud.

Goobjoog News