U bood dhigaalka

Dad Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka Oo La Gaarsiiyey Cadaado

Sheeko:Caafimaadka

Dad badan oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka ayaa la gaarsiiyey isbitaalka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu daweynayo.

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa lasoo sheegayaa in isbitaalkaasi la geeyey dad tiro ahaan gaaraya 51, sida uu Goobjoog News u sheegay agaasimaha Isbitaalkaasi Dr. Maxamed Cumar Yuusuf.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhammaan dadkaan laga keenay deegaanka Iidoole ee gobolka Galgaduud, islamarkaana halkaasi ay u direen koox caafimaad si ay u baaraan waxa sababay cudurkaasi.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in deegaanka Iidoole ay ku dhinteen Labo ruux oo kamid ahaa dadkii cudurka shuban biyoodka uu soo ritey.

“Dad badan oo buka ayaa deegaankaasi jira, Isbitaalkiina waxaa la keenay 51 oo cudurka shuban biyoodka uu soo ritey, Labo ruux deegaanka ayeey ku dhinteen” ayuu yiri Dr Maxamed Cumar.

Ugu dambeyn agaasimaha Isbitaalka degmada Cadaado Dr Maxamed Cumar Yuusuf ayaa ugu baaqay wasaaradaha caafimaadka dowladda Federaalka, maamulka Galmudug iyo hay’adaha caafimaadka ah iney kaalin ka qaataan wax u qabashada dadkaan, maadaama ay yar tahay dawada isbitaalka taalla.

Cudurka shuban biyoodka ayaa faro ba’an ku haya dadka ku nool deegaanno badan oo gobollada dalka ah, waxaana cudurkaan inta uu ka dilaacay dalka bilihii ugu dambeeyey u geeriyootey dad gaaraya 289 waxaana isbitaallada u yaalla 875 ruux.

Goobjoog News