U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahan Sheegay In Diidmada Maamul Goboleedyada Ee Shirka Dastuurka Ay Dowladda Ku Tahay Fashil Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in fadhil ay ku tahay dowladda Federaalka diidmada maamul goboleedyada ee shirka Dastuurka, kaasi oo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Maxamed Maxamuud Caalim oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in haddii uu fashilmo shirka Dastuurka iyo cid walbo oo quseysa shirkaan yahay mid keenaya fashil siyaasadeed oo uu xambaarayo madaxweyne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay Caalim in laga doonayo dowladda dhexe iney u jilicsanaayo nidaamka Federaalka oo uu tilmaamay inaanay hadda dowladdu u muuqan mid u dabacsan.

Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa sheegay ineysan kasoo qeybgali doonin shirka looga hadlayo arrimaha Dastuurka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada