U bood dhigaalka

Dhallinyarada Gaalkacyo Oo Bilaabay Olole Ay Ku Hormarinayaan Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa bilaabay qorshe ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku hormarinayaan magaaladaasi iyo sidoo kale guud ahaan gobolka Mudug.

Dhallinyaradan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney qaban doonaan shaqooyin badan  oo ku aadan bilic soo celinta oo ay ugu horreyso magaalada Gaalkacyo.

Waxay dhallinyaradan ku mideysan yihiin magaca Horseedka Horumarka Mudug, waxaana ay doonayaan in si iskaa wax u qabso ah ay kusoo celiyaan bilicda Gaalkacyo.

Dhallinyaradan ayaa isku daray qarashaad, waxaana ay ku qabanayaan howlaha ay dib ugu soo celinayaan bilicda Gaalkacyo.

Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre oo ka qeybgalay furitaanka ololahan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhallinyaradan is xilqaamay, wuxuuna tilmaamay iney qabanayaan dhallinyaradan shaqooyin ay garan waayeen dad kale oo badan.

Guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarka iyo sidoo kale nabadda.

Goobjoog News