U bood dhigaalka

Faah Faahin: Guddoomiye Ku Xigeenka Ururuka Haweenka B/xaawo Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada B/xaawo ee gobolka Geo ku dileen Haweeney la sheegay iney ahayd gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka ee degmadaasi.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabayey Xaliimo Xasan Diiriye, waxaana la sheegay in dilkeeda ay ka dambeeyeen rag hubyesan oo gaari saarnaa.

Haweeney goob jooge ahayd, kana gaabsatay magaceeda ayaa u sheegtay Goobjoog News, in Xaliimo ay ku sugneyd xarun ganacsig oo iyada lahayd, waxaana baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.

“Nimanka wax dilay waxay saarnaayeen gaari, xabado ayeey ku dhufteen waana ay baxsadeen, iyada waxay ku sugneyd mehrad ganacsi oo ay lahay” ayeey tiri haweeneyda goob joogaha ahayd.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa dilkaasi kadib bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan raggii dilkaasi ka dambeeyay, balse ma jirto cid ay soo qabteen.

Goobjoog News