U bood dhigaalka

Falcelinta Bulshada iyo Maamulka Somaliland ee Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay doorashada madaxweynaha Cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee maalintii shalay lagu doortay magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada maamulka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku aaddan dareenkooda madaxweynaha Cusub, waxay hambalyo u direen madaxweyne Farmaajo, sheegayna iney diyaar u yihiin in la sii wado, wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

 

War-Saxaafadeed Madaxtooyada Somaliland

Xukuumadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa go’aankii ka soo baxay kulanadii is-daba joogga ahaa ee ay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ku kala cuganayeen Mudanaha loo dhiibayo Hoggaanka iyo talada dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waanu ku hambalyeynaynaa xilkaa loo igmaday waxaanannu ALLAH uga baryeynaa inuu xilkaa iyo masuuliyaddaa ku asturo.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar walba muhimadda iyo mudnaanta koowaad siinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah. Waxaanu soo dhaweynaynaa nabad, degenaansho iyo xal waara oo loo helo arrinta murugada leh ee ka jirta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Jamhuuriyadda Somaliland waxa si dhab ah uga go’an in la da-dar geliyo oo la sii wado wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaanu Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu baaqaynaa inuu ka leexdo jidkii qaldanaa ee uu qaaday Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee ku suntanaa faro-gelinta iyo carqaladaynta Qadiyadda iyo Gooni isu-taagga JSL. Madaxweyne Farmaajo waxaanu kula talinaynaa inuu muhimadda koowaad siiyo sidii u dalkiisa iyo dadkiisa ugu horseedi lahaa nabad iyo degenaansho waarta taasoo ay ku jirto danaha iyo maslaxadaha jaarnimo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland aanay meteli karin shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aan haysanin kalsoonidooda. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah Madaxweyne iyo M/weyne ku xigeen ku yimi doorasho xor iyo xalaal ah iyo Goleyaal Qaran oo ku yimi rabitaanka iyo Codka ummadda JSL.

Guntii iyo gebagabadii, JSL waxay xasuusinaysaa Madaxweyne Farmaajo in Somaliland ay tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka, waxayna diyaar u tahay inay soo fadhiisato gole kasta oo caalami ah oo xaajadeeda lagu gorfaynayo.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Adan Cige (deyr)

Afhayeenka MAdaxtooyada JSL.

 

Dhanka kale, guddoomiyaha Baarlamaanka C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro” ayaa u soo hambalyeeyay madaxweynaha cusub kuna tilmaamay mid ay shacabku rabeen:

“Soomaaliya waa dal aanu jaar nahay, waa dad aynu walaalo nahay, cidda ay dooranayaan shacabkoodu iyagaa xaq u leh, waxaaney doortay ninkii shacbigu doonayay in la doorto, madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya marka hore waan hambalyeynayaa, marka Labaadna waxaan u rajeynayaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay noqdaan Labo dal oo is barbar yaalla oo danahooda wadahadal iyo is afgarad ku dhameysta, waanan hambalyeynayaa madaxweynaha Cusub”.

-Dhalinyarada maamulka ayaa hadallo rajo leh ku muujinayay ‘baraha bulshada’ oo si aad ah looga hadal hayay doorashada madaxweynaha Cusub ee Farmaajo, si weynna u soo dhaweynayay doorashadan oo dadbadan rajo cusub ku abuurtay.

Cabdinaasir Maxamed Yuusuf oo bare ka ah jaamacadda Burco oo Goobjoog News la hadlay ayaa dareen wanaagsan ka muujiyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya:

“ Xildhibaanadda ayaa amaan leh sababta oo ah waxay rumeeyeen ballanqaadkii shacabka waxaan lixdii bilood ee u dambeeyey maalin kasta arkaayey ugu yaraan 10 qof oo Soomaali ah oo codsanaaya in Farmaajo looga dhigo Soomaaliya madaxweyne markaasi xildhibaanadu waxay ka dhabeeyeen ballanqaadkaasi iyo rabitaankii shacabka , isagana waxa u taalla shaqo badan oo ay kaw ka tahay ka miro dhallinta wanaagga lagu tuhmaayo”.

Si kastaba, doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga soo dhaweeyay dhamaan gayiga ay dagto Soomaali, iyadoo dadku ay si weyn rajadooda ugu xireen in madaxweynaha cusub uu hanandoono ammaanka iyo nabadgelyada dalka oo in muddo ah lala daalaa dhacayay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada