U bood dhigaalka

Galmudug: Doorashada Madaxtinnimada Oo Maanta Ka Dhaceysa

Sheeko:Dalka

Doorashada Madaxtinnimada ayaa lagu wadaa in maanta ka dhacdo dowlad goboleedka Galmudug, illaa 3 murashax ayaana ku tartamaya.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay caasimadda KMG ah ee maamulka Cadaado, waxaana halkaasi ku sugan wufuud ka socota dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka.

Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta madaxweyne dooranaya, waa markii labaad wax ka yar labo sano, arrintan ayaa timid kadib markii uu is casilay Cabdikarim Guuleed.

Musharaxiinta kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Prof. C/qaadir Shirwac iyo Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa lagu wadaa in tartan xoogan ku galaan dhaxalka Guuleed.

Ahlu-sunna Wal-Jamaaca oo ah ka talisa caasimadda maamulka ayaa iska diiday in ay qeyb ka noqoto doorashada maanta dhaceysa, waxaa sidoo kale qeybo ka mid ah maamulka heysta Al-shabaab.

Wararka Doorashada kala soco, Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada