U bood dhigaalka

Galmudug: Wasaaradda Haweenka Oo Hadashay Cirib-tirka Tacaddiyada Ay Haweenku la Kulmaan

Sheeko:Dalka

Kulan wacyi gelina oo looga hadlay arintan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado,  waxaa  ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumada Galmumudug , saraakiisha ciidan-ka,  xubno ka tirsan ciidamada booliska Galmudug,   haween iyo qeybaha kale ee bulshada,  waxaa ayna si weyn uga hadleen gabood-fallada ay haweenka Soomaaliyeed la kulmaan iyo in aysan helin cadaalad ku filan oo ay kaga  samri karaan dhibaatooyinka xiliyada qaar soo jawaha.

Agaasimaha guud ee wasaarada haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmuudg Xamdi C/qaadir Sheekh Aadan ayaa sheegtay in ay wadaan qorshe lagula dagaalamayo falalka tacadiyada haweenka ka dhanka ah.

“Wasaaradu waxaa ay bilowday in la sameeyo wacyi gelino ku aadan in la dhoowro xaquuqda haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaankeena,  odoyaasha dhaqanka Galmudug ayaan ka saxiixnay in tacadiyada dumarka aan lagu xallin xeer dhaqameed balse sharciga iyo cadaalada la mariyo cidii ku kacda dhibaateyna haweenka.

Dumarku caqabadaha ay bulshada inteeda kale la kulmaan qeyb ayeey ka yihiin basle waxaa u dheer inay wajahaan falal ay ka  mid yihiin kufsi , guur qasab ah iyo kuwo kale  sida ay sheegeyso Sahro Maxamed

“Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay la kulmaan Kufsi,  guur qasab ah iyo dhibaatooyin kale,  waana in cadaalad lagu xaliyo hadii ay dhibaatooyin yimadaan si looga gudbo tacadiyada dumarka”.

Wasiir dowlaha arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka macdinta iyo Kheyraadka biyaha Maxamed Nuur Diini ayaa sheegay ka hadlay sida ay  muhiimad u leedahay in la dhowro xaquuda dumar iyo dadka baahiyaha gaarkaa qaba taasina ay ku imaa karto amni iyo kala danbeyn.

Soomaaliya waxaa ay ka  mid tahay meelaha lagu dhibaateeyo haweenka inkasta oo ay jiraan wacyi gelino  wasaaradaha arintaan ku shaqada leh ay hadaan laakiin wali lama gaarin waqtigii guusha ee laga gudbi lahaa dhibateynta dumarka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada