U bood dhigaalka

Galmudug: Xildhibaan Sheegay In Doorashada Madaxweynaha Ku Dhaceyso Waqtigeeda

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in marnaba aan dib loo dhigi doonin doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi oo isagoo ku sugan degmada Cadaado la hadlay Goobjoog waxa uu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug aysan dib uga dhici doonin 30-ka bishaan.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay ku heshiiyeen in 45 cisho dib loo dhigo oo ay ka aqbaleen islamarkaana aysan qaadan karin dib u dhac kale iyadoo la eegayo xaaladda abaaraha iyo colaadda, Galmudugna hoggaan la dooran doono.

Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi ayaa meesha ka saaray in uu jiro wada hadal dhexmaray wafdigii magaalada Muqdisho joogay ee ka socday Galmudug iyo Ahlu-sunna.

“Annaga iyo dowladda waan balannay, haddii ay dhammaatay balantiina waa sidii ay u dhammaatay, 30-ka bishan waxaa dhici doonta doorashada madaxweynaha Galmudug, waqtigii lagu ballamay, dib u dhac kalena ma imaan doono” ayuu yiri Xildhibaanka.

Qorshaha ayaa ahaa in kahor 30-ka bishan la wada hadal siiyo maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna, hase ahaatee waxay u muuqataa in arrintaasi culeys uu ka jiro xilli waqtigana dhammaad yahay.

Goobjoog News