Halyeygii Xalane ee naftiisa calanka u hurey iyo sida uu maanta xaal yahay !

Daljirka dahsoon

Shalay ;wax kasta waxaan u hurnay wadanka wax kasta oo qaali ahna ku waynay , Maanta ;waxaan wax kasta u huraynaa sidii aan wadanka uga carari lahayn !, maxaa isbadalay?

Wadaniyaddu waa shay aan la iska doon dooni karin lana mala awaali karin , waxay ku beeran tahay dhiigga qof, kuna abuuran tahay qalbigiisa,waa loo dhashaa , layskama dhigi karo, dagaanka uu ku dhashay ee dhaxalka awoow cid kastaa waa jeceshahay.

Sidaa daraadeed waxaan jeclaystay inaan maqaalkan kaga hadlo dhaawaca wadaniyadda soo gaaray iyo khatarta laga dhaxli karo hadii dhaawacaasi sii caabuqo oo inta maanta uu yahay kasii ballaarto.

Shalay waxay wadaniyaddu taagnayd heerkan

Xaaladaha kolba lagu jiro waxaa laga dheehdaa lagana dhuuxaa wacyiga umaddu ku jirto , bal aan isla eegno heestan:-

Dheeldheel laguma helin calanka , cadow baan ka dhicinay calanka ,

Dhiigbaan usoo qubnay Soomaalaa u dhimatay calanka dhalinyaroy ogow calanka.

Kan dhexdiina joogiyo , kan dhulkale ka yimidba , kan dhagarta u dhabacan , cadaawaha ka dhiciyee calanka, dhalinyaroy ogoow calanaka.

Dhagaxtuur dharaartii xabaduhu dhacaayeen , dhagaxbaan ku dirirnoo , Soomaalida dhamaanteed geeri isu gunaanadoo calanka , dhalinyaroy ogow calanka .

Heesihii xikmadda iyo xiisaha lahaa waa ereyadii Alle ha u naxariistee Abwaan Sareeye Guuto Max’ed Nuur Xasan “Shareeco” , waxaa kaloo jiray suugaan kale oo aad u qiima badan kana tarjumaysay sida dadku wadanka u jeclaa uguna qiironayay,waxayna suugaantaasi soo jiidatay dareenka dhalinyaro badan oo wadaniyadda ku hana qaaday .

Dadkii noolaa wakhtigii gumaysiga waxaa ku waynaa agtooda qiimaha Xoriyadda iyo neecow-deeda.

Waa maxay xoriyadi?

Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro.

Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay.

Sooyaalkii Halyay Xalane oo kooban

Halyeey Maxamed Cabdulle Xalane wuxuu dhashay gu’gii ku aaddanaa 1939 wuxuu ku dhashay, Deegaanka degmada Ceel-Buur ee gobolka Galguduud.

Xalane waa magaca awoowgii, wuxuu ku biirey gu’gii 1957 ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, ciidamadii xoogga dalka, wuxuu Xalane ahaa askari firfircoon, muddo kooban oo uu ciidanka ku jiray ayaa waxa uu kasbaday sumcad , billad geesi iyo billad sharaf uu dadaalkiisa ku gaaray.

Xalane wuxuu 1964 isaga oo jooga xad beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo itoobiya ee dhinaca gobolka Waqooyi Galbeed ayaa waxaa weerar ku soo qaadday, Magaalada “Togwajaale” ciidan lixaad lahaa oo illaalaystay ciidan tiro yar oo Soomaali ah oo meesha joogey.

Waxaa weerar culus ka dib Jabay Ciidankii Soomaaliyeed, balse markii ay ka baxeen xerada ayuu arkay, Halyeey Xalane calankii oo ka dhex ba’ banaya, xerada, qalbigiisu waa siin waayey inuu halkaas kaga tago.

Dib ayuu ugu soo noqday, ciidankiina gudaha ayay ugu soo galeen, isaga iyo calankiiba waxay kala daaleen xabbad, waxaa la sheegay in jidhkiisa oodhan xabbadu gaadhay, haddana mar qudha calanku uusan ciida taaban,isaguna uusan xanuunsan ilaa uu ciidankii Soomaaliyeed meeshay difaaca ka galeen uga tegay isagoo dhaawac liita ah, Calankiisiina wata. Xalane dhaawacii ayuu u dhintey , balse hadafkiisii ahaa inuu calanka difaaco iyo dalka waa ku guuleystay, waxaan odhan karnaa ma dhimane wuu dhuuntay Halyeey Maxamed Cabdulle Xalane.

Waxaa jirta odhaah uu reebay oo ahayd: ” WAR CADOWGU BIR MAAHA, BURBURIYA, CALANKIINANA CODOWGA KA ILAASHADA” Xalane wuxuu ahaa Halyey Soomaaliyeed oo aaminsan kuna Kalsoon Calankiisa, wuxuuna ku kasbaday, Sharaf, Magac, Maamuus isaga iyo Ubadkiisiiba.

Maanta waddaniyaddu heerkay maraysaa ?

Dr.Camroo Khalid waxa uu kamid yahay dadka ducaadda caalamka islaamaka ugu firfircoon , waxa uu ka qayb galay shir culumada islaamku ay qabteen oo ka dhacay Dubai sanadkii 2010 kii, waxa uu shirkaa kasoo jeediyay talooyin aad u qiima badnaa oo aan isleeyahay haddii la qaadan lahaa wax wayn ayaa manta inoo kordhi lahaa , nabad iyo nololna waan heli lahayn.

Laakiin waxa uu ka hadlay arin raxdin leh oo runtii aniga saamayn igu yeelatay, qof kasta oo u yara fiirsadaana uu runta taabanayo, waxa uu sheegay oo hadalkiisii kamid ahaa “Waxaan inta badan u dhexeeyaa labada dal ee Masar iyo Ingiriiska , waxaan ku arkaa “Birmingham”Soomaali aad u fara badan oo kumanaan ah , laakiin markaan arko waxaa ii muuqata in dadkaasi aanay lahayn caadifadii Wadaninimo oo aad mooddo inay dhimatay , waana arin aad looga murugoodo , dadka sidaa sameeyay oo dadkan waddaniyadoodii dhaawacay waxay galeen dambi wayn oo aan la saamixi karin” , waxa uu Dr-ku iswaydiiyay tolow wadaniyaddu miyay dhimataa ?waxa uu ku jawaabay haa, waa haddii dalka ay maalin kasta ka dhacaan dambiyo lagu galayo magaca waddanka , oo magacii waddanka dadka lagu laynayo , markaa waddaniyaddu way lumaysaa.

Arinkaasi waa tusaale kooban oo sawir inaga siinaya dhalintii qurbaha ku noolayd iyo siday wadanka ku yihiin , dhalinyaradii waddanka joogtay xaalku siduu ku yahay?

-Waxaan is waraysanay nin dhalinyaro ah oo waliba kamid ah dhalinyarada nolosha ku guulaysatay meel fiicanna aan isleeyahay inuu nolosha ka joogo, waxaan waydiiyay dalka bal ka waran ?waxa uu iigu jawaabay wallee dal aniga waxba igama galine waxaan ku fakarayaa sidii mar un aan uga bixi lahaa meel nabad ahna aan ku raadsan lahaa , sababtuna waa ;haddaan dhinto inigoo waddanka ka fakaraya maxaa aniga ubadkayga u dambeeya waddankiina aan la isku hallayn karin , haddaan maanta helayo meel aan uga cararo habeen kuma nagaadeen.

-dadkii waxay ku dhamaadeen badaha , wax kasta oo qaaliya oo ay lahaayeen waxay u hureen sidii ay waddanka mar un uga bixi lahaayeen .

Haddaba ogaada Soomaalay waddaniyaddu way dhimataa mar haddii lawaayo tiirarkii ay ku taagnayd.

Waxaana maanta dulli inoogu filan inaanan ku faani karin waddankii , dadka dibadda joogaana ay xishoodaan marka Soomaaliya lasoo hadal qaado, waa dal dadkiisii sumcadda ka dileen, waxayse taladu tahay aan is daba qabanno intay goorgoor tahay

Haddaba waxaa is waydiin leh dadka Soomaaliyeed maxaa heerkan gaarsiiyay?

  1. Qabiil : qabiilaystayaashu maahmaahda ay caanka ku yihiin waa;”kabtaada iyo Qabiilkaagaba dhexdaa looga jiraa”.

Illaahay dadka isagaa abuuray xikmad ayuuna u kala qaybiyay qabiillo kala duwan, dalal kala fogfog, luuqado kala jaadjaad ah , in la kala duwanaado quruxdaa ku jirta; bal ka waran haddii subax waagu kuu baryo adigoo dadka adduunkoo dhani kuu wada egyahay dharkaaga uu wada wato sidaadoo kale u wada fakarayo, waxaa lumaysa dhadhankii nolosha iyo xiisaheedii .

Dhanka kale bal ka waran haddii dadka oo dhani qabiilkaaga noqdo maxaad dareemi lahayd, noloshu waa is dhamaystir oo qof kastaaba qofka kale ayuu dhamaystiraa , haddaad nolol ogolaato adigana waa laguu ogolaanayaa.

Qabiil in lagu khasaaray cidi ma moogana , khasaarihii uu gaystayna waa kaa ina leh ku cibra qaata.

  1. Dowladaha dariska ah oo u fakaraya sidii gumaystaha oo kale: waxaan shaki ku jirin markii Soomaaliya la arkay awoodeeda ciidan iyo cududeeda sii kor-dhaysa waxaa la go’aan saday in la burburiyo oo awoodeeda la jabiyo , sida dhawaan uu soo bandhigay bogga faafiya siraha reer galbeedka ee Wikileaks waxaa la sheegay in Soomaaliya la doonayo in loo qaybiyo labada wadan ee dariska la ah ee kala aha Kenya iyo Itobiya, warbixinada Wikileaks inagu si sahlan ayaynu u dhaafnay oon uga aamusnay laakiin dowlahada tunka wayn ee caalamka qaarkood aadbay uga cabaadeen warbixinada sirta ah ee wargayskaa laga helay sida ;dowladda farasiiska oo kale aadbaa looga cabaaday dhagaysiga teleefoonada madaxda dalkaas, hadaba dhibaatada dalka haysata waa qayb wayn ka ah dalalkaa shisheeyo oo ka dhacsan in gumaysigii cadaa dharar cad ka huleelay dalkan .

Ugu dambayn waxaan shaki ku jirin in xalku gacanteena ku jiro , isla markaana ay na hor taallo inaan kala dooranno dalka iyo dal la’aan iyo inaan u huleelno wadamada shisheeye oo aan wax kasta oo qaaliya u hurno sidii aan wadanka uga carari lahayn.

W/D : Khadar Xuseen

Goobjoog News