U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Rasaas Lagu Furey Gaari Ay Saarnaayeen Dad Shacab Ah, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo  ka amba baxay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kuna wajahnaa deegaanno hoostaga degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa ku geeriyootey halkaasi, waxaana dadka dhintey ku jirey wadihii gaarigaasi.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in wadaha gaariga uu ka madax adeegay inuu istaago isbaaro kooxdan ay halkaasi dhigatay.

Meydadka Saddexda qof ayaa la keenay degmada Afgooye, iyadoo aysan jirin cid maamulka ah oo arrintaasi ka hadashay.

Gobolka Shabellaha Hoose waxaa kusoo batay isbaarooyinka ay dhigtaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda, iyadoo marar badan howlgallo la sameeyay lagu soo qabtay qaar kamid ah kooxihii isbaarada dhiganayey.

Goobjoog News