Yaa Garab Taagan Xaliimo Yareey ?

Xaliimo Yareey

Tan iyo Markii Isniintii July 27, 2015-kii la doortay Xaliimo Yarey, Waxaa la isweydiinayaa sababta”Xaliimo Yarey” loogu doortay jagadan iyo xitaa Guddigan markii horaba?! Maxay ku muteysatay? ! Waa Kuma Haweeneydan?! Yaa Gadaal ka riixaya?! Iyo su’aalo kale.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) Waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka mudada 5-ta sano ee socota, Yacnii 2016-ka iyo wixii ka dambeeya.

Xaliimo Yareey waxaa ay guddoomiye u tahay guddi ka kooban 9 xubnood oo iyada ay ku jirto, waxaa kaloo guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Sayid Cali Sh. Maxamed.

Guddiga ayaa kala ah: Saciid Xaashi Warsame, Maxamed Xasan Taani, Xuseen Cabdi Aden, Sayid Cali Sh. Maxamed, Maxamed Axmed Nur, Cabdiraxman Cusmaan Dirir, Maxamed Dahir Maxamud, Xaliimo Ismaaciil Ibrahim iyo Khadiijo Cosoble Cali,

Guddigan Waxaa Baarlamaanka la horkeenay May 7, 2015, waxaana la dhaariyay July 21, 2015 kadib markii uu baarlamaanka ku ansixiyey cod qarsoodi oo xubnaha mid mid loogu codeeyey.

Xaliimo waxa ay ahayd qofkii heley codadkii ugu tirada yaraa, waxa ay heshey 102 cod , iyada oo dirqi oga badbaaday in baarlamaanka diido maadaamaa looga baahnaa in ay hesho 94 cod.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka, ma ahan markii koowaad oo hawl doorasho la xiriirta ay hormuud ka noqoto, markii koowaad waxa ay soo shaacbaxday sanadkii 2012-kii xiligaasi oo ay madax ka noqotey guddigii farsamada ee xulayay baarlamaanka.

Waxa ay markaliya soo jiidatay dareenka saxaafadda iyo kooxaha siyaasadda kadib markii ay diidey iyada iyo guddiga in xildhibaano loo dhaariyo hoggaamiye kooxeedyo hore oo lagu eedeeyey in ay dalka dambiyo ka galeen, kuwaasi oo markii dambe ka mid noqdey baarlamaanka hardan badan kadib.

Kadib labo sano oo ay Xaliimo yara dubatay, waxa ay dib saaxadda siyaasadda usoo istaagtay sanadkii 2014 kadib markii ay xubin ka noqotey guddigii farsamada ee maamul u sameynta gobolada dhexe, kaasi oo markii dambe ay guddoomiye ka noqotey kadib doorasho si weyn loogu hardamay.

Laga bilaabo 27-da bisha July, 2015 waxaa ay sidoo kale Mas’uul ka noqon doonaa doorasho Qaran kasta oo dalka ka dhici doonta, arintaas oo ah mas’uuliyad aad u balaaran.

Talaadadii July 28, 2015, Xukuumadda ra’isul Wasaare Cumar Cabdirishiid iyo baarlamaanka waxaa ay isla garteen in Soomaaliya aanay ka dhici doonin doorashada”HAL-QOF HAL-COD” sanadka 2016-ka, arintan waxaa ahmiyad gaar ah siin doontaa kaalinta Xaliimo Yarey iyo guud ahaan Guddiga Madaxa Banaan ee doorashada qaranka.

Shahaadooyinka Jaamacadeed ee Xaliimo heysato waa cilmiga beeraha oo xiriir lama laha shaqadan, waxaa ay ka qalin jabisay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed iyadoo baratay cilmiga beeraha 1981-dii, Shahaadada Master-ka waxaa ay ka heystaa Jaamacadda Turino ee dalka Talyaaniga, iyadoo ku taqasustay Dhaqaalaha Beeraha, gaar ahaan reer miyiga, waxaa ay ka qalin jabisay 1984-tii.

Sidaasi oo ay tahay waxa ay u egtahay in Xaliimo maalin kasta ay buur horleh kor usii koreyso, tartan kasta oo ay gashana ay ku guuleysanayso.

Hadabada Halkee awoodan ay ka keentay?

Xaliimo Yarey doorashadii 2012-kii kadib waxaa ay daacadnimo u muujisay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isaga oo markii hore abaal oga hayay doorashadiisii 20012 oo aanan la ogeyn sababta, taas oo keentay in loo dhiibo doorashadii Galmudug, si karti iyo hufnaan lagu sheegay ayey uga soo baxday. Balse dad badan waxa ay u fasirteen in markale madaxweynaha iyo dadka ologga la ah ay abaal oga hayeen Xaliimo in doorashada uu kusoo boxo Cabdikariim Xuseen Guuleed , inkasta oo aysan iyadu maamuleynin doorashada haddana waxa ay ahayd natiijo ka dhalatay qaabkii baarlamaanka loosoo xuley markii hore.

Dad badan waxa ay aaminsanyihiin in shaqada wanaagsan ee Villa Soomaaliya farax galisey darteed in markaasi Xaliimo Yarey lagu abaalmariyey in ay xubin ka noqoto guddiga doorashooyinka qaranka, markii dambane guddoomiye loogu doortey taasi oo cid kasta ay sii fileysey.

Dadka kasoo horjeeda siyaasadaha Xasan Sheekh, Xisbiyada Mucaaradka ee dalka ka jira iyo dadka doonaya in ay isbadal arkaan doorashada 2016-ka, waxaa ay shaki ka qabaan Haweeneydan iyo Saameynta uu ku leeyihiin Madaxweynaha iyo Xisbigiisa.

Doorashadii ka dhacday Galmudug ee iyada ay garwadeen ka aheyd waxaa la soo afjaray July 4, 2015, Waxaa halkaas Madaxweyne loogu doortay Cabdikarim Xuseen Guuleed, waxaa uu loolan dhex maray Kooxaha siyaasadeed ee loo kala yaqaano Damu Jadiid ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aala-Sheekh ee madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed , waxaa la saadaalinayaa in arintaas ay soo laaban doonto doorashooyinka soo socda ee Hiiraan iyo Shabeelle, Maamulka Banaadir, Khaatumo iyo xitaa doorashada guud ee dalka ka dhici doonta 2016-ka.

Inta aan doorashada guud la gelin, Waxaa uu muran ka iman doonaa qaabka doorashada loo galayo, ma nidaamka odoyaasha sidii 2012-kii, ma maamulada jira ayaa soo xulaya ergo? Ma shacabka ayaa codeyn doona?.

Qaab kasta ooo ay noqotaba, Xaliimo waxa ay noqon doontaa tiir dhexaadka , dadkii meesha keensadayna ay ka filayaan in ay wax u maamusho qaabka ugu wanaagsan ee xaqiijin kara in madaxweynaha uu markale soo laabto.

Doorashada guud ee 2016-ka waxaa natiijada doorashada Madaxweynaha dalka ay gacanta ugu jirtaa, kuna dhawaaqi doona Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka, waa Xaliimo Yareey.

Waxaa kaloo jira in Xildhibaanada Federaalka ay buuq wadaan, iyagoo doonaya in mas’uuliyadda doorashada wax laga siiyo, waxaa ka dhaadhici la’a in doorashada soo socota ay Xaliimo Yarey iyo guddigeeda go’aanka leeyihiin.

Xaliimo iyo Hoggaanka Dumarka

Inkasta oo dumarka aanan qoondo fiican looga ogoleyn ka qeybgalka siyaasadda, haddane Xalii waxa ay noqotey qof muujisey karti, dulqaad siyaasadeed, iyada rag badan kaga dheereysey loolanka.

Waxa ay ka timid dalka Maraykanka oo ay muddo ku nooleyd, waxa ay aad u fahamsantahay siyaabaha ay siyaasadda u miisaamaan reer galbeedka oo bixiya fanka ugu badan ee dowladda ku baxa, saameyn muuqatana ku leh go’aan qaadashada madaxda dowladda, taas ayaana Xaliimo u sahashay in aragtideeda ay meelmariso meelo badan.

Madaxda dowladda oo laftooda fahamsan sida deeqbixiyeyaasha u ixtiraamaan dumarka ayaa Xaliimo u isticmaalo in ay ku meelmarsadaan wixii ay doonayaan.

Xaliimo Yarey waxaa ay noqon doontaa hadal heynta dalka Soomaaliya mudada soo socota, laakin waxaa hubaal in dadka oo dhan ay qirayaan in Mas’uuliyadda loo dhiibay ay tahay mid adag, u baahan ad adeeg, Xaliimana Waa Haweeney bir ah!

W/D : Ustaad Cabdicasiis Gurbiye

Goobjoog News