U bood dhigaalka

Kun Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Kusoo Ritay Burco, Togdheer

Sheeko:Caafimaadka

In ka badan Kun qof ayaa xanuunka shuban biyoodka uu ku soo ritey degmada Burco ee gobolka Togdheer.

Dadka uu xannuunka soo ritey oo aad u badan ayaa lagu dabiibayaa qaarkood geedaha hoostooda.

Arrintani ayaa sababtay in Magaalada Burco la geliyo  xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Duqa magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa sheegay inay dhigeen goobaha laga soo galo magaalada Burco shaqaale caafimaad, kuwaas oo daaweynta lama huraanka ah u fidinaya dadka ka baxaya magaalada ama kuwa soo gelaya.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in xaaladdan degdegga ah ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka, isaga oo sheegay in la samayn doono dardargelin nadaafadadeed iyo wacyigelin kala duwan.

“Waxaan go’aan ku gaarnay in degmada Burco ay saacadan laga bilaabo ku jirto xaalad degdeg ah oo caafimaad, in Laba laabo wacyigelinta dadweynaha, in meelaha laga soo galo magaalada ay ku sugan yihiin saraakiil caafimaad” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Dhanka kale waxaa la joojiyey dhammaan imtixaannada dugsiyada ee magaalada Burco, si aanu cudurka halistiisa usii faafin, waxaana sidoo kale la fasaxay dhammaan iskuullada, Jaamacadaha iyo meel walbo oo dadka badan isugu yimaadaan.

Goobjoog News