U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Sool Oo Xaliyey Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Sool ayaa sheegay iney ku guuleysteen xalinta dagaal beeleed oo maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa Koonfurta gobolkaasi.

Cabdi Kheyre Dirir oo ah guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay in heshiis ay kala dhex dhigeen beelihii muddooyinkaan dambe isku hayey gobolkaasi, waxaana uu tilmaamay in waxgaradka Labadaasi dhinac ay isla garteen  in nabad lagu wada noolaado.

“Waxaan ku guuleysannay inaan xalinno colaad muddo ka jirtey Koonfurta Sool, waxaan isku keennay dhinacyadii dagaallamay waxgaradkooda, waxaan kala qaadnay maleeshiyaadkii, dadka hadda nabad buu ku wada noolyahay, sidoo kale waxgaradku waxay doorteen in nabad lagu wada noolaado” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale Guddoomiye Dirir oo ka hadlay ammaanka guud ee gobolka Sool waxa uu sheegay in hadda xaaladda guud ee gobolka Sool tahay mid deggan, islamarkaana aanu jirin waxyaabo amniga wax u dhimanaya.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa koonfurta gobolka Sool ka jirey dagaal u dhaxeeyey beello walaalo ah islamarkaana wada deggan halkaasi, waxaana dagaalka uu ku bilowday dhul daaqsin ah oo Labada dhinac isku fahmi waayeen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada