U bood dhigaalka

Mudug: Cudurka Shuban Biyoodka Oo Samaayeey Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Xarfo

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey saameynta deegaankaasi uu ku yeeshy cudurka Shuban Biyoodka oo ay la il daran yihiin qaar kamid ah dadka kudhaqan deegankaasi.

Guddoomiyaha deegaankaasi Bashiir Macallin ayaa u sheegay Goobjoog News in 10 ruux ay cudurkaan u geeriyoodeen intii uu ka jirey deegaanka, halka sidoo kalane ay la il daran yihiin 60 ruux oo ay ku daweynayaan Isbitaalka Xarfo.

“Tirada wey badan tahay, 10 qof ayaa dhimatay, waxaan daweyneynaa 60 ruux, muhiimadda waa in lahayo dawo iyo dhaqtar, waana haynaa Labadiiba, dowladda dhankeeda dawo ayaan ka helnay, welina dedaalka waan wadnaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Bashiir ayaa dhanka kale sheegay iney wadaan dedaal ku adan sidii bulshada looga wacyigelin lahaa in cudurkaan uu ku faafo deegaanka, lagana shaqeeyo nadafadda.

Cudurka shuban biyoodka ayaa loo aaneynaa inuu ka dashay xoolihii ku dhammaaday abaarta oo weli yaalla meello ka mid ah deegaanka iyo sidoo kale roobabkii da’ay.

Goobjoog News