U bood dhigaalka

Musharraxiinta Madaxweyne Ee Galmudug Oo Looga Yeeray Cadaado

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada Galmudug ayaa muddo 24-saac ah gudaheed uga yeeray degmada Cadaado iney ku yimaadaan dhammaan musharraxiintii isku diiwaangelisay xilka madaxweyne ee maamulkaasi.

Mahad Sheekh Cali Cibaar oo ka tirsan guddigan ayaa u sheegay Goobjoog News, in musharraxiinta looga baahan yahay iney soo doontaa shahaadooyinkooda si howlaha doorashada loo sii wado.

Wuxuu Mr. Cibaar sheegay in ka guddi ahaan ay howshooda u wadaan sidii loogu talogalay, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in mudada doorashada aaney dib uga dhici doonin waqtigii lagu balamay.

“24 saac gudahood waa iney kusoo xaroodaan musharraxiinta diiwaangishan oo ay soo doontaan shahaadooyinkooda, haddii aan nahay guddiga doorashada aan shaqadii naloo igmaday sidii naloogu igmaday ay u dhici doonto, xafiiskii guddiga doorashada wuu furan yahay, waxaana rajeynayaa iney guul ku dhammaato” Mahad Sheekh Cali ayaa sidaasi yiri.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa horey ugu heshiiyey in doorashada madaxweyne ee maamulkaasi la qabto 30-ka bishan, waxaana sababta dib loogu dhigay ahayd wada hadallada ay yeelanayaan ahlu-sunna iyo Galmudug.

Goobjoog News