U bood dhigaalka

Puntland Oo Somaliland Ku Eedeysay Iney Xiriir La Leedahay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamul goboleedka Puntland ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay in xiriir ballaaran la leeyahay xarakada Al-shabaab eek a dagaalanta dalka.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ku sugan Garoowe ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog ku sheegay in dagaalyahannada hubeysan ee ka dagaallama buuraleyda Galgala ay ka yimaadaan dhinaca Somaliland.

Waxa uu xusay in xarumo tababar ay ku leeyihiin degaanno kamid ah Somaliland, islamarkaana dhaawacooda loo qaado dhankaasi.

“Nimankaan wixii aan ka dhaawacno waxaa loo qaadaa gobollada Waqooyi sida magaalada Burco, waxyaabo badan ayaa jira oo is soo taraya waana laga xisaabtami doonaa, Somaliland kalama hadal arrimahan waxyaabo oo aan ka wada hadli jirnay waa ay jiraan, laakiinse kuwaan kalama hadal, dadka Soomaaliyeed waxba kama qarsana waana la ogyahay waxa ka jira Somaliland iyo xiriirka raggan kala dhaxeeya” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale Wasiir Qarjab ayaa xusay in Puntland ay dadaal ugu jirto sidii ay u adkeyn lahayd ammaanka xuduudaha ay la wadaagto Somaliland si lagaga hortago falalka amni darro.

Goobjoog News