U bood dhigaalka

Qubeyska Qaar Khatar Ma Leeyahay?

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa lagu  tiriyaa  qubeyska lagu qubeysto  saabuunta iyo biyaha  ama qalabka loo adeegsado qubeyska  waa dhaqan  maalmeedka dad fara badan si ay u ilaaliyaan nadaafadda jirkooda dhan iyo iney dareemaan firfircooni iyo raaxo  dhanka kle .

Balse dad khubaro ku ah  dhanka caafimaadka iyo is qurxinta ayaa waxay ka digayaan in qubeyska oo laga badbadiyo jirka uu keenayo natiijooyin aan wanaagsaneyn oo ka hor imaanayo caafimaadka jirka banii’aadanka, taasoo suurta gal ah inay ka imaato cuduro badan .

Khabiir dhanka caafimaadka ah oo u dhashay wadanka Jarmalka ayaa waxa uu sheegayaa iney qofka ay ku filantahy 2 mar ilaa 3mar inuu qubeysto dotobaadkii , isagoo cadeeyey in qubeyska badan uu suurto gal ku yahay iney baabi’iso bacteeriyo badan oo jirka wax tar u laheyd.

Dhanka kale is qurxinta ka badbadiska ah oo lagu sameeyo jirka in iyadu ruuxeeda ay sababeyso ineysan bacteeriyada jirka isku dheela tirid la,aan  taasoo sahleysi inuu jirka dhaqsi isku badalo.

Marka uu qofka aala miiteeyo ama uu qabto shaqo adag oo dhanka jirka ah  waxaa haboon inuu qubeysto  marka uu aala miitada uu dhameeyo ama shaqada uu ka baxo  qasabna maahan inuu saabuun ku qubeysto sida saxda ah oo uu caafimaadka uu ku jiro waa inuu biyo ku dhaqaa meelaha jirka uu ka dhidido.