U bood dhigaalka

Sharif Xasan Oo Diinsoor Ka Sheegay In Ammaanka Xoogga La Saari Doono

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee Gobalka Bay isaga oo sheegay  in wax badan ay ka qaban doonaan ammaanka deegaanada maamulkaas.

Madaxweyne Sharif ayaa safarkiisa waxa ku wehliyay qaar ka tirsan wasiirada iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed isagoo degmada kula hadlay waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Diin-soon.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ammaamka degmada Diin-soon iyo deegaannada ku hareeraysan waxbadan laga qaban doono, isagoo tilmaamay in degmada iyo dhammaan deegaannada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ay ka bilaabi doonaan hawlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka goobahaas.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa bulshada ku dhaqan degmada Diin-soor waxa uu u sheegay inuu maamulkiisa uu ka go’anyahay xaqiijinta ammaanka goobaha  uu ka taliyo.

Shariif Xasan Sheikh Aaday ayaa booqday xeryaha ciidamada ee ku yaallo deegaanka Diin-soor ee gobolka Baay, ciidamadaas oo dhawaan tobabar loogu soo xiray degamadaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada