U bood dhigaalka

UNICEF Oo Ka Hadleysa Cudurka Dabeysha, Abaarta Iyo Khataro Kale

Sheeko:Caafimaadka

Soomaaliya oo ay abaar ku dhufatey, ayaa carruurta waxaa sidoo kale soo wajahay cudurka loo dhinto ee jadeecada UNICEF iyo la-hawlagalayaasheeda ayaa wada ololaha tallaalka ee nafaha lagu badbaadiyo BAYDHABO, SOOMAALIYA, 25 Abriil 2017 –

Ku dhowaad 30,000 carruur da’ yar ah, oo qaar badan oo ka mid ah ay soo barokicisey abaar ba’an, ayaa toddobaadkan cudurka dabeysha looga tallaalayaa olole degdeg ah oo ka socda Baydhabo, oo ah magaalo xuddun u ah mid ka mid ah degaannada Soomaaliya ka tirsan ee abaarta ba’an ay ku dhufatey.

Qaar badan oo carruurta ka mid ah ayaa ah kuwo aan horey looga tallaalin cudurka – waxaana ay ka yimaadeen degaannada fogfog ee shaqaalaha caafimaadku aaney badanaa tegi karin colaadda tobanaanka sano socotey daraaddeed taas oo burburisey dalkan ku yaalla Geeska Afrika ee ay saboolnimadu halakeysey.

Ilaa hadda, ku dhowaad 5,000 xaaladood oo looga shakisan yahay jadeeco ayaa laga soo sheegey guud ahaan dalka, taas oo ka badan 90 boqolkiiba wadarta tiradii dadkii uu cudurku ku dhacay sanadkii 2016kii . Jadeecada, oo ah caabuq ku dhaca neef-mareenka oo uu sababo fayrus oo la isuguna gudbiyo hawada iyo taabashada duufka iyo candhuufta qofka qaba cudurka, ayaa ku faafa xerooyinka barokacayaasha ee ciriiriga ah, ee aan nadaafadda wanaagsan lahayn, oo ku soo batey guud ahaan magaalada iyo degaannada ku hareereysan.

In ka badan 100,000 qof ayaa yimid Baydhabo iyaga oo gargaar-doon ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin ugu yaraan 70,000 oo yimid bishii Maarso oo keliya dhexdeeda.

“Cuddurada looga hortegi karo tallaalka marka la eego, ma jiro mid ka dilaasan jadeecada,” ayaa uu yiri Steven Lauwerier, oo ah Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.

“Waxaan si wanaagsan ugu xusuusannaa macaluushii dhacdey 2011kii in jadeecada, oo ay weheliyaan nafaqo-xumo iyo barokac, ay gaar ahaan yihiin kuwo marka ay isku darsamaan laaya carruurta.”

Macaluushii ayaa mar kale haddana kaabiga ku soo haysa Soomaaliya. In ka badan kalabar dadka dalka ayaa ay haysat haqab-beel la’aan cunto oo ba’an, cudurrada biyaha ka dhasha iyo kuwa faafa sida daacuunka iyo jadeecadaha ayaa faafaya, waxaana ilaa hal milyan oo carruur ah ay yihiin, ama ay noqon doonaan kuwo ay hadda hayso nafaqo-xumo ama ay ku dhacdo sanadkan gudihiisa, iyada oo shantii carruur ahiba uu midkood u baahan yahay daaweyn naf-badbaadin ah.

“Sida keliya ee looga hortegi karo xannuunka iyo u-dhimashada cudurka jadeecada ayaa ah in la hubiyo in dhammaan carruurta ay qaataan tallaal. Ilmaha ay hayso nafaqo-xumo aad u ba’an ayaa sagaal jeer uga dhow in uu u dhinto cudur sida jadeecada oo kale ah marka la barbardhigo ilmaha caafimaadka qaba. Ma haysanno waqti la lumiyo,” ayuu yiri Lauwerier.

Ololaha ka socda Baydhabo ayaa qayb ka ah dadaal lagu tallaalayo 110,000 carruur soo barokacay ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano oo ku nool degaannada ay dhibaatadu faraha kulul ku hayso ee ku yaalla guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyo in ka badan 250,000 carruur ah oo jooga Somaliland, looga tallaalayo cudurkan faafaya, wixii loo gaaro dhammaadka bisha Maajo.

Dadaalka oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka, WHO, iyo tiro kale oo ururrada aan dowliga ahayn ah (NGO-yo) ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah fitamin A dheeri ah oo lagu xoojinayo difaaca jirkooda iyo sidoo kale kiniiniyada goryaanka dila.

Goobjoog News