U bood dhigaalka

Wanlaweyn: Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Nin La Sheegay Inuu Qafaashay Gabar 16 Sano Jir Ah

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka booliiska ee degmada Wanlaweyne ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen nin la sheegay in uu Gabar 16-sano jir ah ka qafaashay degmadaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska Wanlaweyn, Maxamed Cabdulle Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninkan laga soo qabtay degmaa Buurhakaba ee gobolka Baay, xilli uu gabadha halkaasi ku haystay.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in ninkaan uu gabadha ka qaatay Dahab ay xirneyd, islamarkaana maalmo markii la la’aa kadib ay gabadhii fursad u heshay iney ehladeeda lasoo hadasho si wax loogu qabto.

“Ninka eedeysanaha ah waxaa la yiraahdaa Maxamed Xasan C/raxmaan, waxa uu gabadhan ka watey degmada Wanlaweyn, wuxuu geeyay Afgooye kadibna wuxuu ula sii baxsaday degmada Buurhakaba, wuxuu sheegay inuu qabo, balse gabadha ayaa caddeysay inuu si sharci darro ah guriga ugu heystay, gabadha wuxuu markii uu wadanayey weydiiyey magaceeda oo Saddexan, kadibna dahabkii ayuu ka qaatay, gabadhii ayaa ku xanuunsatay degmada Buurhakaba, waxay u qeylo qaadday dad ku dhow halka lagu hayey, waxaa lala soo hadal siiyey aabaheed, kadibna annaga ayuu noo yimid, annagane waxaan wacnay taliska booliiska Buurhakaba waana lagu guuleystay in ninka iyo gabadhana la qabto” ayuu yiri Taliyaha.

Dhanka kale, booliiska ma aysan ogolaan in saxaafadda ay su’aallo weydiiso ninkaan la sheegay inuu qafaashay gabdha 16 sano jirka ah.

Goobjoog News