U bood dhigaalka

Wasiir Juxa Oo Galmudug Ku Bogaadiyay Wadahadalka Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa oo goor dhow hadal ka jeediyey halkii lagu doortay madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa dardaaran adag u jeediyey madaxweynaha la doortay iyo guud ahaan maamulka Galmudug.

Juxa ayaa sheegay in waqtigaan la joogo xilligii la mideyn lahaa guud ahaan shacabka Galmudug, meeshana laga saari lahaa wax walbo oo carqalad u keenaya horumarka.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Galmudug iney xoojiyaan wadahadalka ay kula jiraan Ahlu-sunna Waljameeca, isaga oo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaasina kaalinteeda ka qaadan doonto.

“Waxaanu jecelnahay inaan wax ka fududeyno wixii wadahadal iyo dib u heshiisiin ah ee ku aaddan wadahadalka Galmudug iyo Ahlu-sunna, meel walbo oo ay inala gasho waan ka raadineynaa, waxaa la joogaa xilligii gacamaha la isqabsan lahaa, wadajirna wax lagu raadin lahaa lagana gudbi lahaa maalmihii madoobaa” ayuu yiri wasiir Juxa.

Xildhibaananda baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta madaxweyne u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo mamaulkaasi hoggaamin doona Labada sano ee soo socota.

Goobjoog News