U bood dhigaalka

Xaaf “Siyaasad Yaanan Isku Riix-riixine Cadowga Aan Iska Celinno”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, bedalkii lagu mashquuli lahaa siyaasadda.

Waxa uu tilmaamay Xaaf in wax aad looga xumaado iney tahay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada waajib ka saaran yahay iney mid noqdaan cadowgooda.

“Annaga yaan siyaasad iyo wax kale isku riixine cadowga aan iska celinno..aan ka shaqeynno sidii uu dadkeenna gacanta isku qabsan lahaa, oo cadogw la isga celin lahaa..hadaan nahay madaxda Federaalka iyo kuwo dowlad goboleedya dhammaantayo aan u jeesanno sidii amniga wax looga qaban lahaa” ayuu yiri Xaaf.

In ka badan 200 oo ruux ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen qaraxii maalin kahor ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News