U bood dhigaalka

10 Qof Oo Gaajo Iyo Nafaqo Darri Ugu Geeriyootey Mudug

Sheeko:Dalka

Ku dhawaad 10 ruux ayaa  lagu soo waramayaa iney gaajo iyo nafaqo darro ugu geeriyoodeen duleedka magalaadda Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Maamulka Magaladda Galkacyo ee dhinaca Galmudug ayaa maanta kormeer ku tagay Xeryo ay ku suganyihiin dadkii ku xoolo beelay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah Gobaladda dalka kuwaas oo xaladooda nolaleed laga deyrinayo.

Masuuliyiinta Maamulka Galkacyo ayaa ka dalbaday Hay’adaha deeqaha bixiya in ay u gurmadaan dadka ku dhiibaateysan xeryaha barakacayasha ee ku yaala duleedka Galkacyo.

Waxaa laga baqayaa in dad kale ay u dhintaan gaajada iyo nafaqo darada ka jirta halkaasi.

Goobjoog News