U bood dhigaalka

10 Qof Oo Ku Dhaawacantay Rabshado Ka Dhacay Laascaanood

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa rabshado ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 10 qof oo shacab ah.

Shacab carreysan ayaa shalay xoog ku galay xarumo loogu dabaaldegayey 18 May waxaana dadkani ay diidanaayeen munaasabaddaasi.

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo sugayey amniga halka la weeraray ayaa la sheegay in ay rasaas ku rideen shacabkii carreysnaa halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Qof ku sugan magaaladaasi ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka qaar dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.

Shacabkan dhigayey dibadbaxa islamarkaana diidanaa 18 May ayaa sheegayey in Soomaaliya ay mid tahay, islamarkaana aanu jirin dal la yiraahdo Somaliland.

Somaliland ayaa 18-ka May sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale waxaana sanad walba ay u dabaaldegaan maalintan.

Goobjoog News