U bood dhigaalka

12 sano kadib geeridii Abshir Bacadle, Dib u milicso taariikhdiisa

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale laba iyo toban sano ka hor waxaa geeriyooday allaah u naxariiste Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadled oo kamid ah ahaa sugaanyahannada ugu caansan geyiga Soomaalida.

Haddaba, Dib u milicso Taariikh Nololeedkiisa

Abshir Nuur Bacadle oo loo yaqaano Abshir Bacadle waa abwaan Soomaaliyeed oo caan ka ah dhamaan geyiga Soomaalidu degto. Abwaanka wuxuu ku dhashay degmada Mustaxiil ee kililka shanaad ee Soomaali Galbeed sanadku markuu ahaa 1946.

Abwaanka waxa uu ahaa mid aad ugu gabya diinta islaamka taasna waa tan keentay in dad badan ay jeclaadaan gabayadiisa oo u badan waano, wacyigelin iyo wadaninimo.

Abshir Bacadle waxa uu sidoo kale ahaa shaqsi gabayadiisa kaga warama cadaawadii soo dhexmartay soomalida iyo itoopianka waxa uuna aad utaabtaa maalinta qiyaami iyo aakhiro iyo inuu tusiyo umada somaliyeed in illaah sokadiis aysan cid kale tari karin.

Gabayada ugu khatarsan abshir bacadle gabayadiisa waxaa kamida gabeyga tawxiid, dibuheshisin, ceeryaamo, gabayga uu utiriyay guuleed fansalakh ,gabeyga uu ku amaanaayo gabdhaha muxajabaadka, gabayga qaadow adigaa leh oo inta badan loo soo qaato wacyigelinta qaadka.

Akhriso qaar kamid ah gabaygii Qaadow Adigaa Leh

Boqolaal qorshoo wada qabyaa …. Qaadow adigaa leh.
Qoryo raamso quudkana yaree… Qaadow adigaa leh.
Qayiloo cun reerkana qadi ….. Qaadow adigaa leh.
Qasad dhaar ah qowl aan la fulin. Qaadow adigaa leh.
Faqiir qani is moodoo qayila… Qaadow adigaa leh.
Qaflad aan dareenkeed la qabin…. Qaadow adigaa leh.
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban… Qaadow adigaa leh.
Kabr qolofa & qurun agyaal… Qaadow adigaa leh.
Qaan gaaro qeyrkood ka haray…. qaadow adigaa leh.
Is qandiiri kana qoomamee… Qaadow adigaa leh.
Qaamuuska cay waxa ku qoran…. Qaadow adigaa leh.
Qayb amaaho adigoon qadeyn…. Qaadow adigaa leh.
Xubna qaadi waa sida qof qalan…. Qaadow adigaa leh.
Qandiga fuqurka &quus rageed… Qaadow adigaa leh.
Inoo qaybi aan lagu qanceyn…. Qaadow adigaa leh.
Adaa qaatay qeybtii badneyd…. Qaadow adigaa leh.
Iska qari qofbaa kugu qabsane… Qaadow adigaa leh.
Af qashuush ahoon cadeygu qaban… Qaadow adigaa leh.
Il qaloocda daankoo qombora…. qaadow adigaa leh.
Qashin iyo qashaabiir qurmoon… Qaadow adigaa leh.
Qamra cagaaran qiil lagu xalilo…. Qaadow adigaa leh.
Qandaraaska qababaal xumada…. Qaadow adigaa leh.
Qarnigaan qasaaraha u daran…. Qaadow adigaa leh.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada