U bood dhigaalka

2 Qof Oo Lagu Diley Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay dad xoolo dhaqato ah ku dileen deegaanka Cali-waal ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa weerarkaasi ku geeriyootey, qof kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay Goobjoog News, u sheegeen dadka deegaanka.

Xasan Cismaan oo ah guddoomiyaha deegaanka Qorqora oo ku dhow deegaanka weerarkaan ka dhacay ayaa Goobjoog, u sheegay in dadka la diley ay la xiriirto aano qabiil.

Waxa uu tilmaamay in ragga hubeysan ee weerarka fuliyey ay ka yimaadeen dhanka Puntland, islamarkaan ay halkaasi ku laabteen.

“Maleeshiyaadka waxay ka yimaadeen dhanka Puntland, tani waa mid soo laalaabatay, waxaa muhiim ah in arrintan dedeg wax looga qabto..Labada qof ee la diley waxay ahaayeen xoolo dhaqato” ayuu yiri guddoomiyaha.

Falalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo laablaabtay deegaannada gobolka Mudug, iyadoo weli aan xal rasmi ah laga gaarin.

Goobjoog News